Miyey Manchester City fursad u heysataa iney la saxiixato xidiga Barcelona Lionel Messi? Ferran Soriano ayaa ka jawaabaya.

0
712

Manchester City waxey heysataa awood ay kusoo iibsan karto ciyaariyahanka Barcelona Lionel Messi, balse agaasimaha ciyaaraha kooxda Citizns Ferran Soriano ayaa daboolka ka qaaday ineysan soo iibsan karin.

Ferran Soriano wuxuu ka mid ahaa maamulka Barcelona intii u dhaxeysay 2003 ilaa 2008, sidaas darteed si wanaagsan ayuu u yaqaanaa wuxuuna aaminsan yahay inuu xidigaan nolosha Catalonia aad ugu raaxeysanayo.

“Wax fursad ah uma heysano saxiixa Messi” ayuu u sheegay dhawr wargeys oo kasoo baxa magaalada Buenos Aires.

“Si wanaagsan ayaan u aqaanaa isaga iyo qoyskiisa, waan ogahay iney ku fiican yahiin Barcelona, waana meesha uu u baahan yahay inuu ahaado”

“Waxaan ku soconeynaa wadadeena isaga la’aantiis, taasoo aad u dhib badnaan doonta sababtoo waa ciyaariyahanka ugu fiican taarikhda”

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan