Manchester United & Sevilla oo ku kala baxay barbaro qeybta hore kulanka Old Trafford.

0
201

Labada kooxood ee Manchester United iyo Sevilla ayaa ku kala baxay barbaro gool la’aan ah qeybta hore kulanka xiisaha badan ee ka dhacaya Old Trafford, walina waxba iskama badalin isku cel-celis ahaan maadaama kulankii hore sidoo kale 0-0 lagu soo kala tagay.

Fursadii ugu qaalisaneyd ee kulanka oo uu si cajiib ah u badbaadiyo goolhaye kulanka waxaa sameeyay Fellaini oo kubad hal iyo laba ah la ciyaaray Sanchez ka hor inta uusan kubad awood leh lugta bidix ku tuurin, waxaana iska beeniyay Rico.

Sevilla waxey aheyd kooxda inta badan kubadda heysatay, inkastoo aysan weeraro qatar badan galin goolka goolhaye David de Gea.

qeybta labaad ayaa la sugi doonaa wixii dhaca.

Dhanka kale kooxaha Shakhtar Donetsk iyo Roma ayaa ku kala baxay qeybta hore kulankooda lugta labaad barbaro gool la’aan, ah balse 2-1 wali waxaa ku horeeya Shakhtar.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan