Manchester City oo si raaxo leh kaga badisay Stoke City kulan David Silva uu laba jeer shabaqa soo taabtay.

0
634

Manchester City ayaa talaabo u qaaday hanashada horyaalka Premier League kadib markii ay guul raaxo leh ka gaareen Stoke City iyagoo marti u ah, muddo kadib ayeyna u suurtagashay iney hal xilli ciyaareed labada kulan ada garaacdo.

Laba gool oo ka timid David Silva qeybtii hore iyo qeybtii dambe ayaa lagu ciqaabay kooxda Stoke City oo xaalad xun ku jirta xilli ciyaareedkaan iyadoo haatan fadhisa booska 19-aad ee horyaalka.

Citizen waxey ciyaarta iyadoon heysan Sergio Aguero balse uu garoonka usoo galay Gabriel Jesus oo mid ka mid ah labada gool ee David Silva caawiyay, sidoo kalana waxaa si fiican u ciyaray Raheem Sterling oo isna kubad aan la qasaarin karin qasaariyay.

Macalin Pep Guaridola ayaa kusii dhawaanaya hanashada horyaalka Premier League wuxuuna noqon karaa horyaalkiisii sadexaad ee shanta horyaal ee ugu waaweyn yurub maadaama uu La Liga iyo Bundesliga.

Natiijada City ay caawa gaartay waxey ka dhigan tahay iney 16-dhibcood ka sareyso Man United kaliya 8-kulan, kaliya sadex kulan oo guul ah ayuu u baahan yahay si uu ugu dabaal dago horanta April.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan