Man Utd diyaar u ah inay Juventus kala soo wareegto xiddig ay isku wakiil yihiin Romelu Lukaku iyo Paul Pogba

0
869

Manchester United ayaa diyaar u ah inay dib ugu laabato saxiixa burburiyaha qadka dhexe ee reer France Blaise Matuidi, sannad ka dib markii saxiixa Blaise Matuidi ay uga adkaatay kooxda Juventus.

Xiddiga u dhashay Faransiiska ayaa xagaagii lasoo dhaafay Old Lady kaga soo biiray PSG wuxuuna ka mid yahay xiddigaha furaha u ah Juventus xilli ciyaareedkaan.

Taleefashinka laga leeyahay Italy Rai Sport ayaa haatan sheegaya inay Man United diyaar u tahay inay markale isku daydo saxiixa Blaise Matuidi, balse Juventus ayaa ka cagojiidaysa inay xiddigaan ka iibiso kooxda ka dhisan Old Trafford.

30 sanno jirkaan Matuidi ayaa 36 kulan u saftay Juventus illaa haatan sannad ciyaareedkaan, wuxuuna u dhaliyey laba gool, halka laba goolna uu caawiyey.

Warbixintaan ayaana intaas ku dareysa inay Man United xiriir la sameysay wakiilka xiddigaan Mino Raiola kaasoo sidoo kale wakiil u ah Romelu Lukaku iyo Paul Pogba si uu u meelmariyo qorshaha uu ugu dambeyn Matuidi ku imaanayo Man United.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan