Kabtan Andreas Iniesta oo taam buuxa u ah kulanka habeen dambe ee Chelsea.

0
524

Barcelona ayaa habeen dambe wajaheysa Chelsea kulanka lugta labaad ee wareega 16-ka koobka horyaalada yurub, tababare Ernesto Valverde ayaana soo dhaweyn doona kabtankiisa Andreas Iniesta.

Xidigaan heerka caalami ee qaranka Spain ayaa dhaawac looga saaray kulankii ay kooxdiisa 1-0 uga badisay Atletico Madrid ciyaar ka tirsan horyaalka La Liga.

Andreas Iniesta si caadi ah ayuu u tababartay talaadadii maanta, waxaana la rajeynayaa inuu habeen dambe ka mid noqdo liiska xidigaha wajahaya Chelsea inkastoo aan la ogeyn hadii uu kusoo bilaabanayo iyo hadii kale.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan