Ka hor kulanka ugu weyn xilli ciyaareedkooda, ciyaartoyda Man Utd oo bambo looga nixiyey iyo sida uu xaalku kusoo dhammaaday!

0
1425

Ciyaartoyda kooxda Manchester United ayaa waxaa lagu wargeliyey cabsi bambaano ka hor kulankooda tartanka UEFA Champions League ay ku wajahayaan kooxda Sevilla.

Kooxda tababare Jose Mourinho ayaa wajaheysa kooxda reer Spain lugta labaad ee wareegga 16ka tartanka UCL taasoo ka dhici doonta garoonka Old Trafford caawa oo Talaado ah.

Balse ciyaartoyda kooxda Man United ayaa cabsi lasoo deristay Isniintii markii la xiray hateelka ay sida joogtada ah u degaan ciyaartoyda Man United ka hor ciyaarahooda Old Trafford iyadoo laga shakiyey inay bamboo ku jirto. Waana hoteelka uu degan yahay tababare Jose Mourinho.

Bambadaan ayaa waxaa la sheegay inay tahay mid ka hartay dagaalkii labaad ee adduunka, si kastaba ha ahaatee, baaritaan dheer oo la sameeyey waxaa lagu ogaaday in sheygu uusan bamboo aheyn, sidoo kalena uusan halis aheyn.

Ciyaartoyda iyo shaqaalaha Manchester United ayaa isku diyaarinaya kulankooda ugu weyn ee xilli ciyaareedkaan, waana kulanka ku xiran noloshooda tartanka UCL iyadoo goolhaye David de Gea uu badbaadiyey lugtii hore.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan