HORDHAC: Roma vs Shakhtar Donetsk- Kooxda Reer Ukraine Oo 7 Sanno Kadib Rajo Ka Leh Quarter-finalka UCL

0
385

Tababaraha kooxda Roma Eusebio Di Francesco ayaa shaaca ka qaaday in ay kooxdiisa dib ugu soo laaban karto kulankii ay 2-1 kaga badiyeen Shakhtar marka uu caawa Stadio Olimpico ku wajahayaan kooxda Ukraine.

Kooxda Shakhtar ayaa indhaha ku heysa in ay gaarto wareega quarter-finalka tartanka Champions League markii ugu horeysay tan iyo 2011kii.

Tababare Di Francesco ayaa ku adkeeyay ciyaartoydiisa in ay iska ilaaliyaan natiijo lamid ah tii lugtii hore ee ka dhacday dalka Ukraine.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stadio Olimpico

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Daafaca Rick Karsdorp ayaa wali ku maqan dhaawac muddo dheer ah mana soo laaban doono ilaa bisha soo aadan.

Daafaca Shakhtar Sergiy Kryvtsov, ayaa lagu qasbay inuu dhaawac kaga baxo kulankii lugtii hore, waxaana weli uu la tacaalayaa dhaawaciisa.

Labada koox majiro dhaawac ama ganaax kale oo dheeraad ah oo ay wajahayaan ka hor kulankooda caawa.

XAQIIQADA KULANKA

Shakhtar Donetsk ayaa badisay afar ka mid ah shantii kulan ee ugu dambeysay tartamada oo dhan oo ay ka horyimaadeen Roma tartanka Champions League.

Roma ayaa laga saaray dhamaan afartii kulan ee Champions League ugu dambeeyay oo laga badiyay lugta hore.

Kooxda ka dhisan Ukraine ayaa dooneysa inay gaarto wareega quarter-finalka Champions League markii ugu horeysay tan iyo xilli ciyaareedkii 2010-11.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan