Faloob horay ugu soo fashilmay Arsenal oo Neymar ku garaacay abaalmarinta Xiddiga bisha horyaalka France!

0
1237

Faloobkii kooxda Arsenal Mathieu Debuchy ayaa si lama filaan ah ugu soo laabtay heer ciyaareedkiisii ugu sarreeyey weliba waxaa lagu abaalmariyey Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka Faransiiska bishii Febraayo (Ligue 1 Player of the Month award) isagoo hanashada abaalmarintaan ku garaacay Neymar JR.

32 sanno jirkaan reer France ee ka ciyaara daafaca dambeedka midig, ayaa ka tegay kooxda Arsenal ka dib markii qandaraaskiisa la kansalay bishii Jannaayo ee horraantii sannadkaan, wuxuuna ku biiray kooxda St Etienne.

Mathieu Debuchy ayaana haatan ku guuleystay Xiddigii ugu fiicnaa horyaalka France bishii February, taasoo ka dhigan in faloobkii hore ee Arsenal uu kusoo laabtay qaab ciyaareedkiisii ugu sarreeyey.

Xiddigaha uu abaalmarintaan ku garaacay waxaa ka mid ah laacibka PSG Neymar iyo goolhayaha kooxda Montpellier Benjamin Lecomte.

Debuchy ayaa keliya 29 kulan u saftay Arsenal wuxuuna ku qaatay waayo qaraw ah kooxda ka dhisan FLY Emirates Stadium oo uu uga soo biiray Newcastle United sannadkii 2014kii.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan