Chelsea Oo Heshay Bedelka Saxda Ah Ee Thibaut Courtois Oo Lala Xiriirinayo Real Madrid

0
1186

Wararka lagu daabacay Talksport ayaa lagu sheegay in Chelsea ay u aragto goolhayaha AC Milan Gianluigi Donnarumma bedelka saxda ah ee Thibaut Courtois.

Ciyaaryahanka reer Belgium ayaa diiday inuu heshiis cusub u saxiixo kooxdiisa, waxaana laga yaabaa inuu ku laabto dalka Spain.

Courtois ayaa Chelsea kaga soo biiray 2011kii kooxda Genk 9 milyan euro, laakiin durba Si dhakhso ah ayuu amaah ugu wareegay Atletico Madrid oo waqtigaas lumisay goolhaye David de Gea oo ku biiray Manchester United.

Xiddiga reer Belgium ayaa noqday mid ka mid ah goolhayayaasha ugu qatarsan caalamka, isagoo 154 kulan u saftay kooxda ka dhisan Madrid ee Atletico oo uu kula guuleystay La Liga, Copa del Rey iyo UEFA Europa League.

Waxaa uu dib ugu laabtay Chelsea xilli ciyaareedkii 2014-15, waxaana uu ku guuleystay labo horyaal oo Premier League ah tan iyo markaas.

Gianluigi Donnarumma ayaa ah magac la bartay sannadkii 2015kii, Ciyaaryahanka da’da yar ayaana caan noqday markii uu noqday goolhayaha labaad ee ugu da’da yar taariikhda kasoo muuqday kubada cagta Talyaaniga.

Donnarumma  ayaa jiray kaliya 16 sano iyo 242 maalmood markii uu saftay kulankiisii ugu horeeyay horyaalka Talyaaniga ee Serie A.

Waxaa jira warar ku saabsan mustaqbalka Courtois oo sheegayay in goolhayaha uu kusii jeedo kooxda Real Madrid.

Inkastoo Chelsea ay dooneyso inuu qandaraaska u kordhiyo, haddana Courtois wuxuu ku fakirayaa inuu ku laabto Spain.

Waxa lagu qiimeeyaa 45 milyan oo ginni, waxaana qandaraaskiisa haatan uu dhacayaa sannadka 2019ka.

Donnarumma, ayaa dhanka kale isku dayay inuu ka tago kooxda xagaagii lasoo dhaafay, waxaana wakiilkiisa ay isku dhaceen xitaa maamulka AC Milan.

AC Milan ayaa laga yaabaa inay iska fasaxdo goolhayaha Talyaaniga haddii lacagta ay ku doonayaan ay ku helaan, sida wararku ay sheegayaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan