Arsenal Oo Suuqa Dhigtay Hector Bellerin Si Ay Bedelkiisa U Hesho Saddex Ciyaartooy

0
1024

Arsenal ayaa diyaar u ah inay iibiso Hector Bellerin si ay lacagta ay ka hesho ugu qarsh gareyso suuqa kala iibsiga xagaaga, sida laga soo xigtay wargeysyada.

Bellerin ayaa xilli ciyaareed isku dhafan ku qaadanaya Emirates ka dib markii uu ku guul darreystay inuu ku laabto Barcelona xagaagii lasoo dhaafay.

Daafaca midig ayaa silama filaaan ah kaga soo muuqday Arsenal saddex sanno ka hor, waxaana uu haatan kujiraa 18kii bilood ee ugu dambeyay qandaraaskiisa Emirates.

Daily Mail ayaa sheegeysa in Arsenal ay diyaar u tahay inay dhageysato dalabyada u imaanaya Bellerin, laakiin waxa ay kaliya ku fasixi doonaan dalab 50 milyan oo ginni ah.

Bellerin oo 22 jir ah ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Barcelona, halkaasoo uu ku qaatay sideed sanno ka hor inta uusan ku biirin Arsenal 2011kii.

Manchester City ayaa sidoo kale xiiseyneysa saxiixa daafacaan, laakiin uma badna inay iibisadaan kadib markii Kyle Walker kala soo wareegeen kooxda Tottenham.

Tababaraha Arsenal Arsene Wenger ayaa sheegay inuu ku faraxsan yahay qaab ciyaareedkii kooxdiisa ay soo bandhigtay kulankii Watford ay 3-0 kaga badiyeen axadii.

Waxaa la sheegay in Bellerin uu diyaar u yahay inuu ka tago Arsenal haddii uu helo fursad uu ugu dhaqaaqo mid kamid ah kooxaha waa weyn ee kubadda cagta.

madaxa kooxda Arsenal Sven Mislintat, aya doonaya inuu ugu yaraan seddex ciyaaryahan oo cusub kusoo daro kooxdiisa xagaagan.

Arsenal ayaa u baahan goolhaye, daafaca dhaxe iyo khad dhexe marka uu furmo suuqa kala iibisga xagaaga.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan