Agaasimaha Fulinta Shakhtar Donetsk oo shaaciyey kooxda uu Fred ku biirayo labada Manchester

0
1062

Agaasimaha fulinta naadiga Shakhtar Donetsk ee Sergei Palkin ayaa xaqiijiyey kooxda uu Fred ku biiri doono labada naadigi ee ka wada dhisan Magaalada Manchester ee Man United iyo Man City.

Sergei Palkin waxa uu caddeeyey in ciyaaryahan Fred uu xagaagan dhammaystiri doono ku biirista kooxda Manchester City.

Muddooyinkii ugu dambeeyey Fred ayay xiiso uga imaanayeen labada kooxood ee Manchester City iyo Manchester United, laakiin markaas waxa uu u muuqdaa in xiddiga reer Brazil uu ku dhawaanayo ku biirista garoonka Etihad.

Waxaa la sheegay in Man City ay heshiis 45 milyan oo gini ah heshiis kala gaartay saxiixa xidigan Fred kooxda Shakhtar saxiixa Fred, waxaana la aqbalay in dhammaadka xilli ciyaareedkan uu ku biiro kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League.

Inkastoo la warinayo inuu Fred ku biiri doono kooxda Man City ayaa haddana Sergei Palkin uusan meesha ka saarin in weli kooxda Jose Mourinho ay fursad suuro-gal ah u haystao inay gacanta ku dhigto xiddigan.

“Fred waxa uu tegi doonaa bisha Juun, haddii aysan ahayn Manchester City, markaa waa Manchester United, waxa uu diyaar u yahay horyaalka, waxaa taas dheer waa ciyaaryahan aad u fiican, Fred waa xirfad yahan cajiib ah.” ayuu Sergei Palkin u sheegay Corriere dello Sport.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan