Weeraryahanka Ateltico Madrid Antoine Griezmann oo heshiis hordhac ah la gaaray Barcelona

0
905

Weeraryahanka Atletico Madrid Antoine Griezmann ayaa lagu soo waramayaa inuu talaabo u qaaday ku biiritaanka kooxda Barcelona, sida ay sheegayaan warbixino ka imaanaya dalka France .

Xidigaan heerka caalami waxaa la sheegay shalayto inuu guri ka raadinayay magaalada Barcelona taasoo qeexeysa in wax walba dhaw yahiin, balse mid ka mid ah wargeysyada France ayaa baahiyay in heshiis hordhac ah labada dhinac ay gaareen.

Wargeyska Le10Sport ayaa shaaca ka qaaday in Antoine Griezmann uu heshiis hordhac ah la gaaray Barcelona isla markaana uu ku biiri doono kadib koobka aduunka.

Warbixinta waxaa lagu sheegay sidoo kale inuu xidigii hore Real Sociedad iska diiday inuu heshiiska u kordhiyo kooxdiisa Los Rojiblancos.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan