Warbixin cusub: Arsenal oo labo cayaaryahan xagaagan La Liga kasoo iibsan doonto

0
1365

 

Kooxda Waqooyiga London ka dhisan Arsenal ayaa la sheegay inay labo xidig xagaagan kasoo iibsan doonto La Ligaha Spain.

Dani Ceballos oo khadka dhexe Real Madrid kaga cayaaro ayaa kooxdiisa weydiistay in xagaagan la iska fasaxo.

Inkastoo Ceballos qandaraaskiisa lagu jebin karo 700-milyan oo euro ah hadana Arsenal waxay ku kalsoon tahay wiilkan dhalinta yar ku heli karto ilaa 50-milyan oo euro ah.

Arsenal waxay dooneysaa Dani Ceballos inay galiso booska Jack Wilshere kaasi oo diiday inuu qandaraaska kordhiyo xagaagan Emirates bilaash kaga tagi doono.

Si la mid ah shabakada AS waxay qortay in Arsenal dhigeeda Barcelona ay weydiisatay Ousmane Dembele waxayna Arsenal dooneysaa xidigaan inay amaah ku qaadato marka hore gadaalna ay ka dibna ay gadaal ka bixiso 100-milyan oo euro ah.

Balse Barcelona waxay dooneysaa 140-milyan oo euro ah si toos ah loo siiyo taasi oo Arsenal ku cusleyn doonto soo qaadashada Dembele oo sidoo kale dalab ka helaayo Chelsea.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan