WABIXIN: Manchester United oo hogaamineysa loolanka loogu jiro Robert Lewandowski.

0
659

Manchester United ayaa lagu soo waramayaa iney hogaanka u heyso loolanka loogu jiro saxiixa weeraryahanka Bayern Munich Robert Lewandowski kaas oo laga yaabo inuu isaga guuro nolosha magaalada Munich.

Lewandowski mustaqbalkiisa mudooyinkii ugu dambeeyay mugdi ayaa soo galay tan iyo markii uu magacaabay wakiilkiisa cusub Pini Zahavi, waxaana aad loola xiriirinayaa kooxo dhawr ah.

Kooxo badan oo qaaradda yurub ah ayaa xidigaan heerka caalami aad u doonaya sida: Real Madrid iyo Chelsea, balse hadda waxaa lagu soo waramayaa in Red Devils ay hogaamineyso loolankiisa.

Jose Mourinho ayaa doonaya inuu helo weeraryahan uu la tartansiiyo Romelu Lukaku , sidaas darteed wuxuu durba calaameystay kabtanka reer Poland, kaas oo heshiiska uu kula jiro Bavaria uu dhamaanayo 2021.

Lewandowski ayaa dhaliyay 142 gool, 182 jeer oo uu kasoo muuqday Bayern Munich, waxaana ku jirta 32-gool oo uu dhaliyay xilli ciyaareedkaan isagoo saftay 35-kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan