Waa kuma qofka uu Marcus Rashford guddoonsiiyey abaal-marintii Man of the Match ee uu ku guuleystay kulankii Liverpool?

0
1249

Marcus Rashford ayaa ahaa mid aad uga dhex muuqday kulankii dhawaa oo ay kooxdiisa Manchester United garaacday naadiga ay ku xafiiltamaan horyaalka Premier League ee Liverpool.

Kaddib markii labada kooxood ku kulmeen garoonka Old Trafford Marcus Rashford ayaa labo gool ugu shubay Reds 25-kii daqiiqo ee ugu horreysay ciyaarta.

Man United ayaa 2-1 uga badisay Liverpool kulankaas, waxaana ay xoojisatay booskeeda kaalinta labaad ee kala horreynta horyaalka Premier League.

Kulankaas Marcus Rashford ayaa la guddoonsiiyey abaal-marinta xiddigii ugu fiicnaa garoonka, laakiin waxa uu abaal-marintaa isna go’aansaday inuu u gacan geliyo Hooyadiis.

Rashford ayaa isagoo garabka haysta hooyadiisa isla markaana abaal-marinta Man of the Match ee kulankaas gacanta ku hayso uu soo dhigay bartiisa Instagram-ka.

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan