The Mirror: Liverpool oo ahmiyada siin doonto sedex boos iska adkeyntiisa xagaagan

0
891

 

The Mirror ayaa qortay shirkada FSG ee Reds maamusho inay macalin Jurgen Klop garab taagan yihiin sidoo kalena lacago dheeraad ah xagaagan siin doonaan si uu cayaartooy tayo wanaagsan usoo iibsado.

Liverpool waxay ku guuleesan rabtaa saxiixa goolhaye Jack Butland oo Stoke City ka tirsan waxayna kusoo qaadan doontaa 40-milyan oo pound ka hor inta uusan koobka aduunka xulka England kala qyab galin.

Sidoo kale The Mirror waxay dhigeeda Diario Gol kasoo xigatay in Liverpool ay dabagal xoogan ku heyso labada waaya araga ah Real Madrid ka wada tirsan Grathe Bale iyo Luka Modric.

Bale iyo Modric hore ayay EPL kaga cayaari jireen waxayna u badan tahay in xagaagan Madrid iska iibin doonto madaama madaxweyne Florentino Perez qorsheenayo inuu saxiixyo waa weyn xagaagan sameeyo.

Warbixintaan waxaa lagu sheegay in Liverpool ay qorsheesay 100-milyan oo pound kusoo iibsato Modric iyo Bale oo horey Tottenham ugu cayaari jireen aqoon wacana u leh EPL.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan