Neymar oo doortay koox aan laga fileyn aadisteeda xagaagan

0
3879

 

Kooxda Real Madrid ayaa dadaal xoogan ugu jirto sidii ay Neymar gacanta ugu soo dhigi laheyd marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Neymar wuxuu ku niyad jabsan yahay caasimada France mana doonayo inuu PSG waqti kaga sii lumo asigoo dadka aadka ugu dhow sheegeen inuu xidigaan ka qoomameenayo go’aankii uu Barcelona kaga soo tagay.

Neymar qoyskiisa iyo saaxiibadiisa aadka ugu dhow ayaa kaga digeen inuu Real Madrid aado madaama uu waqti wacan Barcelona lasoo qaatay.

Shabakada Diario Gol in Neymar Jr. uu doortay u dhaqaaqista kooxda Man City xagaagan asigoo la dhacsan mashruuca Pep Guardiola halkaas ka wado.

Sidoo kale Man United ayaa xiiso u qabto Neymar balse cayaaryahan wuxuu si gaar ah u xiiseenayaa dalabka Man City oo looga fadhiyo xagaagan inay 450-milyan o euro ah saxiixa Neymar ku qarash gareeyaan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan