LA OGAADAY: Lacagta ay Real Madrid ku dalbaneyso Messi-ga Masar Mohamed Salah.

0
1053

Real Madrid ayaa lagu soo waramayaa in loo sheegay ugu yaraan qiimaha ay ku dalban karto Messi-ga Masar Mohamed Salah kaas oo xilli ciyaareedkaan waxqabad aan caadi aheyn kusoo bandhigay kooxdiisa cusub.

Salah ayaa ku raaxeysanaya waaya qurux badan maadaama dhaliyay 32-gool dhamaan tartamada oo dhan xilli ciyaareedkiisii ugu horeeyay, sidoo kalana wuxuu hadda hogaanka la wadaagaa Harry Kane gooldhalinta horyaalka Premier League.

Waxaa la fahamsan yahay iney xiiso weyn u qabto Madrid, balse waxaa loo sheegay iney ku heli karto 142 Malyan oo Pound.

Florentino Perez wuxuu sameyn doonaa hawlgal ballaaran isagoo diri doona dhawr ciyaartoy oo Karim Benzema iyo Gareth Bale, tiiyoo ay jirto in dhawr xidig kale kooxda la keeni doono.

El Confidencial ayaa ku warantay in Liverpool aysan aqbali doonin wax ka yar 142 Malyan oo Pound, waana lacagahii ay ka heleen Philippe Coutinho kaas oo January ku biiray Barcelona.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan