Jose Mourinho oo si xun u weeraray Frank de Boer kadib oraahdii uu ka dhiibtay da’yarka reer England Marcus Rashford.

0
926

Tababaraha Manchester United Jose Mourinho ayaa si fiican isaga weeraray tababarahii hore Crystal Palace Frank de Boer isagoo ku tilmaamay inuu yahay tababarahii ugu xumaa taariikha Premier League.

Frank wuxuu qiray in Mourinho uu natiijooyinka ka doorbido inuu soo saaro dhalinta yaryar, waxeyna arintaan timid xilli xidigaan heerka caalami uu laba gool ka dhaliyay Liverpool kulankii muhiimka ahaa ee todobaadkaan.

“Waxaan aqriyay oraah ka timid macalinkii ugu xumaa taarikhda soo mara Premier Lague, Frank de Boer, 7-kulan, 7-guuldaro, gool la’aan, taasoo sheegeysa in Rashford uusan waxba iga baran”

“Hadii Marcus uu isaga tababarahi lahaa, wuxuu ka baran lahaa sida loo guuldareysto”

Marcus Rashford kuma soo bilaaban hal kulan tan iyo sanadkaan cusub ka hor kulanka Liverpool, 20-jirkaan heerka caalami wuxuu xilli ciyaareedkaan u saftay 21-kulan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan