Cesc Fabregas “Qorshaheyga wuxuu yahay Messi inuusan kubada ku raaxeesanin!”

0
1321

 

Cesc Fabregas iyo kooxdiisa Chelsea waxay arbacada la cayaari doonaan naadiga Barcelona wareega 16-aad Champion-ka lugtiisa labaad.

Kulankii hore labadaan koox Stamford Bridge ku dhex maray wuxuu ku idlaaday 1-1 ayadoo Chlesea uu guusha u diiday Lionel Messi oo cayaarta qaybaheeda dambe bar bareeyay.

Messi ayaa kooxda Barcelona dib ugu soo laaban doono kadib markii sabtigii uu kooxdiisa kulankii Malaga kaga maqnaaday xili xaaskiisa cunug sedexaad u dhashay.

Hadaba Cesc Fabregas oo ay saaxiib dhow yihiin Messi ayaa sheegay inuu arbacada isku xil qaami doono sidii uu Messi ugu diidi lahaa kubada ku raaxeesto.

30-jirkan oo la hadlaayay The Mirror wuxuu yiri “Hadii aan ku nasiib badanahay inaan la cayaari Messi ama garoon la galay waxaan isku xil qaami doonaa ilaalinta cayaaryahankan”

“Wey adag tahay in Messi la raaco balse waxaan isku dayi doonaa anigoo saaxiibadeyda caawinaad ka helaayo inaan arbacada u diidno kubada inuu ku raaxeesto”

“Waxaan iska hilmaami doonaa inaan saaxiib nahay inta aan garoonka ku wada jirno anigoo u arki doono mid naga dhaxeyso sedex dhibcood ama natiijo qaali ah”

Cesc Fabregas ayaa lagu soo bilaabay 7-kulan ee xili cayaareedkan Champion-ka Chelsea cayaartay sidaa darteed waxay u badan tahay macalin Antonio Conte cayaaryahankan waaya araga ah inuu arbacada kusoo bilaabi doono si uu kooxdiisii hore ula dagaalamo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan