Gareth Bale badalkiisa Real Madrid Bundesligaha Jarmalka ayay ka heshay hadaba waa kuma?

0
684

 

Kooxda Real Madrid wixii ka dambeeyo xili cayaareedkan wey ka taqalusi doontaa cayaaryahankan Gareth Bale.

Diario Gol ayaa qortay in Real Madrid haatan hogaanka u qabatay loolanka loogu jiro saxiixa Christian Pulisic oo Dortmund ka tirsan.

Christian Pulisic oo xulka Mareekanka u cayaaro ayaa lagu qiimeeyaa 80-milyan oo euro ah waana lacag ay Madrid xagaagan si sahlan ku bixin karto.

Sidoo kale gudoomiye Florentino Perez ayaa aaminsan in saxiixa Christian Pulisic sare u qaadi doono dhaqaalaha Real Madrid ay ka sameyso Waqooyiga Ameerika madaama wiilkan uu Mareekan yahay taageero badan oo Amerikaan ahna uu leeyahay.

Real Madrid waxay dooneysaa inay ka dul qaado kooxaha Liverpool, Man United iyo Bayern Munich kuwaas oo dhamaantooda dabagal xoogan ku hayaan Christian Pulisic oo 19-jir ah.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan