Arsenal oo kula dagaalameysa Man United iyo Liverpool saxiixa xiddig 50 milyan lagu qiimeeyo oo Serie A ka ciyaara!

0
547

Kooxda Arsenal ayaa lagu soo waramayaa inay kusoo biirtay loolanka loogu jiro saxiixa burburiyaha qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho.

Kooxaha reer England ee Manchester United iyo Liverpool ayaa horayba u doonayey xiddigaan, waxaana lagu soo waramayaa inay isku diyaarinayaan inay dalabyo ka gudbiyaan dhammaadka xilli ciyaareedkaan.

Tababare Jurgen Klopp ayaa 26 sanno jirkaan asal Brazil-ka ah u arka bedelka Emre Can oo ku biiri doona Juventus marka uu dhammaadka sannad ciyaareedkaan dhaco qandaraaskiisa Reds.

Dhanka kale, tababare Jose Mourinho ayaa wuxuu Jorginho oo heysta dhalashada dalka Italy u calaameystay bedelka Marouane Fellaini oo xagaagaan beeca xorta ah uga tegi doona Red Devils, iyadoo Michael Carrick-na uu ciyaaraha ka fariisan doono.

Balse majaladda The Metro ee dalka England ayaa haatan daaha ka qaaday inay Arsenal kula soo biirtay labadaan kooxood loolanka loogu jiro saxiixa burburiyaha qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho si ay ugu xoojiso qadkeeda dhexe, iyadoo kooxdu ay haatan ku jirto xilli ciyaareed musiibo ah.

Si kastaba ha ahaatee, Man United ayaase ah kooxda qiimaha ugu badan ku dooneysa Jorginho, iyadoo Jose Mourinho uu xiddigaan u diyaarsaday dalab 50 milyan oo ginni ah.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan