Arsenal, Man United iyo Man City oo ku dagaalamaya saxiixa xiddig 60 milyan jooga oo ka ciyaara horyaalka Serie A

0
741

Kooxaha Arsenal, Manchester United iyo Manchester City ayaa dhammaantood ku dagaalamaya saxiixa xiddiga qadka dhexe ee kooxda Napoli Jorginho marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagaan.

Jorginho oo heysta dhalashada dalka Italy ayaa wuxuu xilli ciyaareedkaan muhiim u yahay kooxda tababare Maurizio Sarri iyadoo Napoli ay hogaamineyso horyaalka Serie A ee dalka Talyaaniga.

Seddax sanno ayaa ka harsan qandaraaska uu 26 sanno jirkaani kula jiro kooxda Napoli, wuxuuna qandaraaskiisu dhacayaa sannadka 2020ka.

Balse seddaxda kooxood ee ka ciyaara horyaalka England Premier League ayaa dhammaantood saraakiil daawata u diray laacibkii hore ee kooxda Hellas Verona kaasoo lagu qiimeeyo ku dhowaad 60 milyan oo ginni.

Joao Santos oo ah wakiilka Jorginho oo asal ahaan kasoo jeeda dalka Brazil ayaa daaha ka qaaday in ay tahay wax caadi ah maadaama qaab ciyaareedka laacibkaani uu soo jiidanayo kooxaha ugu waa weyn Yurub.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan