HORDHAC: Napoli vs Roma- Neapolitans Oo Kujirta 10 Kulan Oo Guuldarro La’aan Ah

0
420

NAPOLI ayaa rajeyneysa inay sii dheereysato hogaanka horyaalka Serie A, iyadoo dooneysa in ay badiso kulankii 10 oo xiriir ah.

Waxay la kulmayaan caawa kooxda Roma oo dooneysa inay dib ugu soo laabato wadada guusha ka dib guuldaradii AC Milan ee todobaadkii hore.

Napoli ayaa martigelin doonta kooxda Roma kulan muhiim u ah tartanka horyaalka Serie A., iyadoo Neapolitans dareensan in Juventus cadaadis xoogan saareyso.

Juventus ayaa la baajiyay kulanka ay ku wajihi laheyd Lazio toddobaadkii hore sabab la xiriirtay cimilada Italy oo aad u xumeyd.

Lazio ayaa wajihi doonta isla caawa kooxda Juventus, halka Inter iyo Milan ay ku kulmayaan Derby della Madonnina axada beri ah.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stadio San Paolo

SAACADA: 10:45 PM

MAXAA CUSUB?

Bishii Febraayo waxa ay aheyd bishii ugu dambeysay ee Napoli la dhibtooto dhaawacyo. Waxa ay ku bilaabatay iyadoo uu ka maqan yahay ciyaaryahanka garabka ka ciyaara ee Leandrinho oo dhaawac muruqa ah qabay.

Daafaca bidix ee Faouzi Ghoulam ayaa kasoo kabsaday dhaawac kasoo gaaray jilibka, ka hor inta daafaca dhexe ee Vlad Chiriches uusan kusoo laaban tababarka.

Roma ayaa sidoo kale dib u heshay  xiddiga qadka dhexe ee Lorenzo Pellegrini oo la maqnaa jeex muruqa ah isbuucii hore.

Dhanka kale, Rick Karsdorp ayaa weli dhaawac ku maqan ciyaaryahanka ayaa dhaawac jilibka ah uu soo gaaaray bishii October ee sannadkii hore.

Marka laga soot ago dhaawacyadaas majiraaan ciyaartooy hore leh oo ka maqan labada koox ka hor kulankooda caawa.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Napoli: Reina; Rui, Koulibaly, Albiol, Hysaj; Hamsik, Jorginho, Allan; Insigne, Mertens, Callejon

Roma: Alisson; Kolarov, Fazio, Manolas, Florenzi; Strootman, De Rossi; Perotti, Nainggolan, Under; Dzeko

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan