HORDHAC: Lazio vs Juventus- Bianconeri Oo Dooneysa Inay Yareyso Dhibcaha Napoli

0
403

Ka dib markii Juventus ay isbuucii hore kasoo gudubtay semi-finalka Coppa Italia Atalanta, La Vecchia Signora ayaa marti gelin doonta kooxda Lazio kulan muhiim ah oo katirsan horyaalka Serie A.

Juve ayaa 1-0 kaga badisay kooxda ka dhisan Bergamo, inkastoo loo baajiyay kulankii ugu weyn Serie A sabab la xiriirtay cimilada.

Si kastaba ha ahaatee, Miralem Pjanic ayaa sarre u qaaday rajada Juventus kadib markii uu dhaliyay goolka ay kaga badiyeen Atalanta.

Kooxda Old Lady ay mar kale wajaheysa Lazio kulankii u baaaqday sabab la xiriirtay cimilada Talyaaniga oo aad u xumeyd.

OGEYSIISKA CIYAARTA

GAROONKA: Stadio Olimpico 

SAACADA: 8:00 PM

MAXAA CUSUB?

Natiijada sawirka Lazio vs Juventus

Gonzalo Higuain ayaa laga yaabaa inuu seego kulanka caawa, sida uu sheegay tababare Allegri, isagoo yiri: “Higuain haatan diyaar ma ahan, ma uusan tababaran maalmo, waxaana arki doonaa hadii uu diyaar noqon karo daqiiqada ugu dambeysa.

Juventus ayaa haysata Paulo Dybala iyo Blaise Matuidi oo dhaawac kasoo laabtay ka dib markii labadoodaba ay qeyb qaateen guushii 1-0 oo ay kooxdooda ka gaartay Atalanta Coppa Italia bartamihii Isbuucii hore.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara Bianconeri Federico Bernardeschi ayaa la filayaa inuu seego kulankaan ka dib markii lagu qasbay inuu garoonka ka baxo kulankii Torino ee isbuucii hore.

Juan Cuadrado ayaa la rajeynayaa inuu la maqnaado dhaawac, iyadoo Mattia De Sciglio shaki weyn laga muujinayo taam ahaanshihiisa.

Ciyaaryahanka garabka uga ciyaara kooxda Lazio Pedro Neto ayaa laga yaabaa inuu kusoo laabto line-upka kooxdiisa ka dib dhaawac uu ku maqnaaa kulamadii lasoo dhaafay, laakiin Bruno Jordao ayaa la rajeynayaa inuu seego kulankaan.

XAQIIQADA KULANKA

Natiijada sawirka Lazio vs Juventus

73 kulan oo ay labada koox ku ciyaareen magaalada Roma, Juve ayaa badisay 31 jeer, halka Lazio ay badisay 24 kaliya.

Lazio kuma aysan guuleysan gurigeeda iyadoo wajaheysa Bianconeri tan iyo December 2003dii.

Juve ayaa badisay 7dii kulan ee ugu dambeysay oo ay marti ahaayeen, waxaana ay doonayaan in ay jabiyan rikoor ay dhigeen bisha February 2016kii.

Bianconeri ayaa ah kooxda kaliya ee horyaalka Talyaaniga xili ciyaareedkaan goolka iska dhalin.

Kaliya Immobile oo 14 gool dhaliyay ayaa ka Dybala oo sagaal gool dhaliyay xilli ciyaareedkan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

Lazio: Strakosha; Wallace, De Vrij, Radu, Mausic; Parolo, Lucas, Milinkovic-Savic; Lulic, Alberto, Immobile

Juventus: Buffon; Lichtsteiner, Benatia, Chiellini, Sandro; Pjanic, Khedira, Matuidi; Dybala, Mandzukic, Costa

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan