Xidiga Seriea A-da ugu baaska badan waxaa isku heestaan Man United iyo Liverpool

0
718

 

Jorginho oo ah laacibka ugu baaska badan Serie A-da Talyaaniga sidoo kalena Napoli khadka dhexe u agaasimo waxaa saxiixiisa isku heestan Man United iyo Liverpool.

Macalin Jose Mourinho ayaa maamulka Man United ka dalbanaayo in Jorginho loo soo gacan galiyo si uu u buuxiyo Marouane Fellaini iyo Michael Carrick boosaska ay baneenaan doonaan marka u xili cayaareedkan soo idlaado.

Dhanka Liverpool tababare Jurgen Klopp wuxuu doonayaa Jorginho inuu galiyo booska Emre Can oo diidan Reds heshiis cusub inuu u saxiixo.

Jorginho waa 26-jir Brazilian ah balse doortay inuu xulka Italy u cayaaro lagana soo xigtay inuu jecel yahay ka cayaarista Premier League England.

Jorginho waxay Napoli dul dhigtay 60-milyan oo pound waxaana la eegi doonaa Liverpool iyo Man United midka lacagahaan bixin doonto xagaagan marka suuqa Yurub dib u furmo.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan