Manchester United oo kusii dhowaaneysa inay Liverpool uga adkaato saxiixa xiddig jooga 50 milyan (Warbixin xiiso leh)

0
1104

Manchester United ayaa diyaar u ah inay Liverpool ka dulqaado saxiixa xiddiga lagu qiimeeyo 50ka milyan oo ginni Jorge Luiz Frello Filho (Jorginho) marka uu furmo suuqa kala iibsiga ciyaartoyda Yurub xagaagaan.

Tababaraha Liverpool Jurgen Klopp ayaa la filayaa inuu xoojiyo Reds dhammaadka xilli ciyaareedkaan, wuxuuna doonayaa inuu qadka dhexe ka dhiso kooxdiisa si xilli ciyaareedka soo aadan ay ugu tartanto hanashada horyaalka England Premier League.

Naby Keita ayaa 1da July ee sannadkaan kusoo biiri doona Liverpool, balse waxaa la filayaa inuu Emre Can ka tago kooxda ka dhisan Anfield Road.

Sidaas darteed maamulka kooxda Liverpool ayaa durba raadinaya bedelka xiddiga heerka caalami ee dalka Jarmalka, waxaana diiradda u saarnaa kubadsameeyaha kooxda Napoli Jorginho. Balse Man United ayaa haatan kusoo biirtay loolanka saxiixa 26 sanno jirkaan asal Brazil-ka ah.

Shabakadda Daily Star ayaana sheegeysa inay kooxda ka dhisan Old Trafford diyaar u tahay inay Napoli akoonka ugu shubto 50 milyan oo ginni si ay ugala soo wareegto Jorginho.

Tababare Jose Mourinho ayaana wakiillo si gaar ah u daawada u diray Jorginho kaasoo qaatay dhalashada dalka Italy waana ay la dhaceen qaab ciyaareedka xiddigaan.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan