HORDHAC: Lazio vs AC Milan- Labada Koox Oo Isha Ku Haya Finalka Coppa Italia

0
454

Kulankii lugta hore ee semi-finalka Coppa Italia ee ka dhacay garoonka San Siro ayaa ku dhamaaday barbaro goolal la’aan ah..

Labada koox midi soo baxdaa waxay wajihi doonan kooxaha Atalanta ama Juventus oo caawa dhankooda ciyaaraya lugta labaad ee semi-finalka Coppa Italia.

Lazio ayaa ah kooxdii ugu dambeysay ee ku guuleysatay tartankaan markii labada kooxood ay kulmeen.

Kooxda Lazio ayaa qaaday tartankaan sannadkii 2013kii, markaasoo ay ku garaaceen kama dambeysta kooxda ay xafiiltamaan ee Roma .

Dhanka kale, AC Milan ayaa isha ku heysa in ay hanato Coppa Italia markii ugu horeysay tan iyo 2003kii.

OGEYSIISKA CIYARTA

GAROONKA: Stadio Olympico

SAACADA: 10:45 pm

MAXAA CUSUB?

Sawirka la xidhiidha

Martin Caceres ayaa sii wadi doona dadaalka uu kaga soo kabanyo dhaawac jilibka ah, halka Bruno Jordao iyo Pedro Neto sidoo kale dhaawacyo soo gaareen horaantii bishaan.

Daafaca midig ee Andrea Conti ayaa ku dhow inuu ku soo laabto Milan ka dib markii uu dhaawac jilibka ah soo gaaray bishii September.

Lama filaayo inuu taam u noqdo kulanka caawa kooxdiisa wajaheyso Lazio.

Majiraan dhaawacyo kale ama ganaaxyo ay qabaan labada koox ka hor kulanka ay caawa isku arkayaan ugta hore ee semi-finalka Coppa Italia.

XAQIIQADA KULANKA

Sawirka la xidhiidha

Lazio ayaa guuleysatay seddexdii kulan ee ugu dambeysay oo oo ay wajaheen Milan, sidookale lagama badin shantii kulan ee ugu dambeysay labada koox.

Milan ayaa sii xoogeysaneysa ka dib markii ay 2-0 kaga badiyeen Roma, waxaana ay sii dheereysatay rikoorkooda ah 12 kulan oo aan laga badin.

Waxay sidoo kale ku guuleysteen shan kulan oo isku xigta oo ay soo gaareen wareega semi-finalka tartankaan.

SAFAFKA MACQUULKA AH

 Lazio: Strakosha; Wallace, de Vrij, Radu; Marusic, Milinkovic-Savic, Lucas, Parolo, Lukaku; Anderson, Immobile

AC Milan: G. Donnarumma; Calabria, Bonucci, Romagnoli, Rodriguez; Montolivo, Biglia, Bonaventura; Suso, Cutrone, Calhanoglu

 

 

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan