Kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich oo Man Utd & Liverpool kula biiray tartanka loogu jiro saxiixa xiddig ka tirsan Dortmund

0
524

Sida wararku ay sheegayaan kooxaha Chelsea iyo Bayern Munich ayaa ku soo biiray tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga garabka uga dheela naadiga Borussia Dortmund ee Christian Pulisic.

Pulisic ayaa lagu qiimeeyaa mid ka mid ah xiddigaha da’da yar ee ugu qatarsan kubadda cagta Yurub, iyadoo 19-sano jirkaan uu u dhaliyay 11 gool 84 kulan oo uu u saftay kooxda Dortmund.

Si kastaba, xiddigaan da’da yar oo ay horay u xiisaynayeen kooxaha Manchester United iyo Liverpool ayaa hadda tartanka loogu jiro saxiixiixa waxaa ku soo biiray Bayern Munich iyo Blues.

Wargeyska Daily Mail ayaa warinaya in kooxaha Chelsea iyo Bayern inay diyaar u yihiin inay ka qeyb qaataan tartanka loogu jiro saxiixa xiddiga heerka caalami ee dalka Maraykanka.

Pulisic oo u muuqda inuu ku baxayo lacag ka badan 80 milyan oo gini ayaa weli waxa uu haystaa labo sano iyo bar uga hartay qandaraaskiisa haatan ee kooxda Dortmund.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan