Chelsea oo £88m ku baadi goobeyso cayaaryahankii Hazard u badali lahaa

0
1025

 

Daily Mail ayaa sheegtay in kooxda Chelsea xagaagan ceshan karin hogaamiyaheeda Eden Hazard oo go’aan ku gaaray inuu London isaga tago dhamaadka xili cayaareedkan.

Sidaa darteed Blues ma dooneyso inay waqti ku lumiso baadi goobka badalka Hazard ayadoo xili hore diyaarisay lacago £88m inay kusoo qaataan badalka Hazard.

Christian Pulisic oo kubada u qaabeeyo Dortmund ayay Chelsea ku fara adeegeysaa sidii ay xidigaan Mareekanka gacanta ugu soo dhigi laheyd.

Christian Pulisic oo 20-jir ah labadii sano ee ugu dambeesay Dortmund joogto ayuu ugu cayaarayay waxayna Chelsea diyaar la tahay £88m ee xidigan kooxda reer Jarmal dul dhigtay inay bixiso.

Sidoo kale kooxaha Liverpool, Man United iyo Bayern Munich ayaa wiilkan dabagal xoogan ku hayaan balse Chelsea ayaa rabto xiriirka wanaagsan ee Dortmund kala dhaxeeyo inay saxiixa Pulisic xili hore kusoo idleyso.

Fadlan hoos ka daawo goos gooska Pulisic xirfadiisa cajiibka badan lagu soo bandhigay:

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan