Arsenal Oo Silama Filaan Ah Ugu Dhaw Saxiixa Daafac Iska Diiday Ku Biirista Chelsea

0
1262

Arsenal ayaa ka fiirsaneysa inay lasoo saxiixato daafaca Napoli Kalidou Koulibaly xagaagan, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya Italy.

sida laga soo xigtay wargeysyada Calciomercato, iyo Daily Mirror, Gunners ayaa isha ku heysa xaaladda daafaca kooxda Serie A ka dhisan si ay ula soo wareegto xagaaga soo socda.

Sheeko isku mid ah ayaa sheegaysa in Arsenal ay u badan tahay inay isku daydo xoojinta daafaceeda, kadib markii ay ku guuldareysteen inay soo xerogeliyaan daafac weyn bishii Janaayo.

Gunners ayaa lasoo werinayaa inay u dirtay kooxo indho indheyn ah si ay u daawadaan Koulibaly kulankii Napoli ee Europa League ay ku wajaheen RB Leipzig habeenkii khamiista.

wararka soo baxay ayaa sheegaya in Koulibaly oo lagu qiimeeyo qiyaastii 40 milyan oo ginni bartilmaameed rasmi ah u noqday kooxda Arsenal.

Koulibaly ayaa si aad ah loola xiriirinayay inuu u dhaqaaqayo Chelsea horaantii xili ciyaareedkaan, laakiin Blues ayaa ku guuldareysatay inay dhameystirto heshiiska ay kula soo wareegeyso daafacan.

Dhanka kale, Arsenal ayaa haatan isku diyaarineysa lugta labaad ee Europa League wareegiisa 32-da ay ku wajahi doonaan kooxda Ostersund oo soo booqaneysa Emirates.

Kooxda waqooyiga London ayaa markaas kadib Manchester City ku wajihi doonta finalka League Cup oo toddobaadka dambe ka dhacaya Wembley.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan