Weeraryahan ka tirsan RB Leipzig oo magacaabay labada kooxood oo uu u ciyaari lahaa haddii uu aado horyaalka Premier League

0
1772

Weeraryahanka kooxda RB Leipzig ee Timo Werner ayaa qiray inuu xiisaynayo inuu u dhaqaaqo horyaalka xiisaha leh ee English Premier League, isagoo magacaabay labo kooxood oo uu u ciyaari lahaa haddii uu aado horyaalkaas.

Xiddiga reer Jarmal kaasoo kooxda Leipzig uga soo biiray Stuttgart sanadkii 2016-kii ayaa dhaliyey 16 gool 29 kulan oo uu saftay xilli ciyaareedkan illaa iyo hadda.

21-sano jirkaan ayaa intaa ku daray inuusan doonay inuu noloshiisa xir xiro marka ay timaado raadinta fursado cusub dibadda ah ama ka baxsan dalka Jarmalka.

“Haddii aad soo qaadatid Jarmalka, been ayey noqonaysaa haddii aan ku iraahdo ma jecli inaan u ciyaaro Kooxda Bayern Munich.” ayuu Werner u sheegay Sport1.

“Sidoo kale been ayay noqonaysaa markaan soo qaado Ingiriiska haddii aan ku iraahdo ma jeceli inaan u ciyaaro Manchester United ama Manchester City.”

“Spain haddii aan eego waa Barca ama Real. Waxaa jira naadiyo waa weyn oo horyaal walba laga helayo, Talyaaniga ama Faransiiska dabcan horyaalladeyda ma’ahan, laakiin saddexda kale haa.”

“Waxaa jira kooxo farabadan oo aan u ciyaari karo ma doonayo inaan nolosheyda xir xiro.”

Kooxda Arsenal ayaa sidoo kale lagu soo waramayaa inay isha ku heyso xiddigan reer Jarmal.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan