U Gaar Ah Bundesliga: Labada Xidig ee Dortmund Ugu Wanaagsan Oo EPL Kusoo Jeedaan

0
787

 

Bundesligaha Jarmalka fiidkan hadal heynta waxay tahay in kooxda Dortmund ay qarka u saaran tahay inay lumiso labo ka mid ah xidigaheeda ugu muhiimsan marka uu xili cayaareedkan soo idlaado.

Kooxda Man City ayaa hormar ka sameeneyso sidii ay kusoo qaadan laheyd kubad bur buriye iyo qaabeeye Julian Weigl waxaana la aaminsan yahay in Dortmund ku fasaxeyso xidigaan hadii la siiyo £40 million.

Kubad qaabeeye Christian Pulisic  waxaa dabagal xoogan ku heyso Chelsea oo laga soo xigtay in xagagan saxiixooda kowad noqon doono si uu booska Hazard u galo waana 19-jir naadiga Dortmund ka tirsan.

Pulisic oo xulka USA ka tirsan waxaa lagu qiimeeyaa £45 million waana qiimo lacageed oo ay kooxda Chelsea bixin karto sida The Mirror qortay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan