SHEEKO CUSUB: Kooxda Chelsea oo Manchester City siinaysa Eden Hazard haddii ay ka helayso xiddigan

0
1703

Kooxda kubadda cagta Chelsea ayaa la soo warinayaa inay isku diyaarinayso inay lumiso kubbad sameeyaheeda Eden Hazard, isla markaana ay siiso naadiga Manchester City, laakiin waa haaddii ay kooxda Etihad ka helayso Sergio Aguero.

Xiddiga xulka qaranka Belgium ee Hazard kaasoo ka shaqeynaya sidii uu heshiis cusub ugu saxiixi lahaa kooxda ka dhisan garoonka Stamford Bridge ayaa kooxda ka dhisan Galbeedka Magaalada London kaga tagi kara codsigiisa.

War ay daabacday Sunday Star ayaa sheegaya in kooxda Manchester City ay isku dayi doonto inay u dhaqaaqdo saxiixa 27-sano jirkaan, laakiin Chelsea ay weydiisan doono Aguero in heshiiska qeyb looga dhigo.

Milkiilaha kooxda Blues ee Roman Abramovic ayaa mar hore hoosta ka xariiqday Aguero, iyadoo Weeraryahanka xulka qaranka Argentine uu u arko laacibka kaliya ee bedeli kara ama buuxin kara booska Hazard haddii uu ku biiro kooxda hoggaaminaysa horyaalka Premier League ee Sky Blue.

Aguero, kaasoo kaga soo biiray Man City naadiga Atletico Madrid ayaa noqday ciyaaryahanka ugu goolasha badan taariikhda kooxda ku ciyaarta Etihad horraantii xilli ciyaareedkan.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan