Napoli oo iskoor u gaar ah Serie A-da ka dhigtay kadi markii 9-kulan xariir ah guuleesatay

0
515

 

Kooxda Napoli ayaa dib usoo ceshatay hogaanka Serie A-da Talyaaniga kadib markii 1-0 ay guusha kaga qaateen naadiga SPAL 2013.

Cayaaryahan Allan ayaa Napoli guusha siiyay asigoo goolka qura dhaliyay daqiiqadii 6-aad waxayna haatan kooxda macalin Sarri leeyihiin 65-dhibcood ayagoo cayaareen 25-kulan hogaankana hal dhibic ayay kaga hayaan Juventus.

Napoli waxay dhigtay rikoor u gaar ah madaama markii ugu horeesay ay 9-kulan oo xariir ah guuleesteen Serie A-da Talyaaniga, waxayna soo bilaabeen guulahan xariirka ah kadib markii Juventus 1-0 kaga badisay wixii ka dambeeyay 10 Dec 2017.

Fadlan hoos kaga bogo 9-ka kulan xariirka ah kooxda Napoli Serie A-da guuleesatay kuna dhigtay rikoor iyada u gaar ah:

16 Dec 2017: Torino 1-3 Napoli

23 Dec 2017: Napoli 3-2 Sampdoria

29 Dec 2017: Crotone 0-1 Napoli

6 Jan 2018: Napoli 2-0 Hellas Verona

21 Jan 2018: Atlanta 0-1 Napoli

28 Jan 2018: Napoli 3-1 Bologna

4 Feb 2018: Benevento 0-2 Napoli

10 Feb 2018: Napoli 4-1 Lazio

18 Feb 2018: Napoli 1-0 SPAL 2013

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan