Lix ciyaaryahan oo ay leedahay kooxda Arsenal kuwaasoo heshiiskoodu ku eg yahay sanadka 2019 oo la shaaciyey

0
628

6 ciyaaryahan oo ka tirsan Arsenal ayaa kooxda isaga tagi kara dhammaadka xilli ciyaareedkan, markaasoo uu qandaraaskoodu dhacayo ama ku eg yahay haddii aysan heshiisyo cusub ka saxiixan kooxdu.

Xiddigahaas lixda ah ee ay milkiyaddooda leedahay kooxda ku ciyaarta Emirates ee Arsenal waxaa hoggaaminaya Aaron Ramsey, Danny Welbeck iyo Goolhaye Petr Cech.

Dhammaan ciyaaryahannadan ayaa heshiiska ay kula jiraan kooxda Arsenal waxa uu ku eg yahay 30 bisha June sanadka 2019-ka, intaas ka hor haddii aan heshiis cusub laga saxiixanna waa ay isaga tagi karaan kooxda oo waxa ay xor u yihiin inay ku biiraan kooxdii ay doonaan.

HADDABA XIDDIGAHA ARSENAL OO UU QANDARAASKOODU DHACAYO DHAMMAADKA XILLI CIYAAREEDKAN AYAA WAXA AY KALA YIHIIN:-

Chuba Akpom

Petr Cech

Nacho Monreal

David Ospina

Aaron Ramsey

Danny Welbeck

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan