Kabtan Vincent Kompany oo hogaaminaya 7 xiddig ee ka tirsan Kooxda Man City oo heshiiskoodu ku eg yahay 2019

0
635

7 ciyaaryahan oo ka tirsan Manchester City ayaa kooxda isaga tagi kara dhammaadka xilli ciyaareedkan, markaasoo uu qandaraaskoodu dhacayo haddii aysan heshiisyo cusub ka saxiixan kooxdu.

Xiddigahaas todobada ah ee ka tirsan Manchester City waxaa hoggaaminaya kabtanka kooxda ee Vincent Kompany.

Dhammaan ciyaaryahannadan ayaa heshiiska ay kula jiraan Man City waxa uu ku eg yahay 30 bisha June sanadka 2019-ka, intaas ka hor haddii aan heshiis cusub laga saxiixanna waa ay isaga tagi karaan kooxda oo waxa ay xor u yihiin inay ku biiraan kooxdii ay doonaan.

HADDABA XIDDIGAHA MANCHESTER CITY OO UU QANDARAASKOODU DHACAYO DHAMMAADKA XILLI CIYAAREEDKAN AYAA WAXA AY KALA YIHIIN:-

Vincent Kompany

Eliaquim Mangala

Luke Brattan

Brahim Diaz

Joe Hart

Pablo Maffeo

Pablo Mari

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan