Kabtan Gary Cahill oo hoggaaminaya 8 xiddig oo ay leedahay Kooxda Chelsea kuwaasoo heshiiskoodu ku eg yahay sanadka 2019

0
621

8 ciyaaryahan oo ka tirsan Chelsea ayaa kooxda isaga tagi kara dhammaadka xilli ciyaareedkan, markaasoo uu qandaraaskoodu dhacayo haddii aysan heshiisyo cusub ka saxiixan kooxdu.

Xiddigahaas Siddeeda ah ee ay milkiyaddooda leedahay kooxda Chelsea waxaa hoggaaminaya kabtanka kooxda Gary Cahill iyo Goolhaye Thibaut Courtois.

Dhammaan ciyaaryahannadan ayaa heshiiska ay kula jiraan kooxda Chelsea waxa uu ku eg yahay 30 bisha June sanadka 2019-ka.

Haddii la gaaro bisha June ee sanadka soo socda waxa ay isaga tagi karaan kooxda Blues iyadoo xor u noqon doona inay ku biiraan kooxdii ay doonaan haddii aysan Chelsea qandaraasyo cusub ku abaal-marin.

HADDABA XIDDIGAHA CHELSEA OO UU QANDARAASKOODU DHACAYO DHAMMAADKA XILLI CIYAAREEDKAN AYAA WAXA AY KALA YIHIIN:-

Gary Cahill

Thibaut Courtois

Cesc Fabregas

Olivier Giroud

Todd Kane

David Luiz

Danilo Pantic

Pedro

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan