Chelsea oo Batshuayi u adeegsan doonto Dortmund inay xidig muhiim ah xagaagan kasoo qaataan

0
800

 

Naadiga Chelsea bishii Janaayo dhamaadkeedii waxay amaah ku siisay cayaaryahankeeda Michy Batshuayi naadiga Dortmund.

Batshuayi ayaa si wacan ula qabsaday kooxdiisa cusub asigoo sedexda kulan ugu horeesay 5-gool u dhaliyay kana caawiyay guulo muhiim ah inay gaaraan.

Maamulak Dortmund maalmo ka hor waxay sheegeen inay dadaal ugu jiraan heshiiska weeraryahankan Belgium-ka garoonka Signal Iduna Park ku joogo inay mid joogto ah ka dhigaan.

Daily Mail ayaa daaha ka rogtay in Chelsea dhigeeda Dortmund ku wareejin doonto Batshuayi iyo lacago si ay kaga helaan kubad sameeye Christian Pulisic.

Christian Pulisic waa xidig USA ka tirsan hormar wacana sameenayo waxaana saxiixiisa ku loolamayaan kooxaha Liverpool iyo Man United balse Chelsea ayaa hada lagu kalsoon yahay inay laacibkan si sahlan ku heli karto.

Christian Pulisic dhawaan wuxuu sheegay inuu jecel yahay ka cayaarista Premier League sidoo kalena uu xagaagan aqbali doono dalabyada waa weyn ee kaga imaanayo kooxaha EPL.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan