“Waxaan dareemayaa inaan 100% diyaar ahay” – Difaac ka tirsan Man United

0
991

Difaaca kooxda Manchester United ee Marcos Rojo ayaa shaaca ka qaaday inuu dareemayo inuu 100% diyaar yahay oo uu taam ahaansho buuxda dareemayo ka hor inta uusan dib ugu soo laaban safka hore ee kooxda.

Xiddiga xulka qaranka Argentine ayaa waxa uu booska safka hore ee kooxda Jose Mourinho kala bixi karaa Chris Smalling ama Phil Jones, kaddib bandhiggii liitay oo ay sameeyeen kulankii Newcastle United.

Rojo ayuusan isticmaalin Mourinho tan iyo markii uu ka soo kabsaday dhaawac halis ah oo Jilibka ka soo gaartay bishii April, laakiin 27-sano jirkaan ayaa ku adkeysanaya inuu diyaar u yahay inuu sii wado xasiloonida daafaca kooxdiisa.

“Waxaan dareemayaa 100% inaan diyaar ahay, waxaanan ku faraxsanahay qaab ciyaareedkeygii hore.” ayuu daafacaan u sheegay Jariiradda The Mirror.

“Waxay ku jireen heer sarre, anigu haatan waan ku faraxsanahay heerkeyga jir ahaaneed diyaar ayaana ahay.” ayuu hadalkiisa ku daray Rojo.

Rojo ayaa safka hore ee kooxda dib ugu soo laaban kara marka ay Man United la ciyaareyso Huddersfield Town kulan ka tirsan FA Cup.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan