Shaxda isku dhaf ah oo laga sameeyey kooxaha Real Madrid iyo PSG ka hor kulankooda caawa ee Champions League

0
989

Caawa waxaa garoonka Bernabeu ee Magaalada Madrid ku dhexmari doono kooxaha Real Madrid iyo Paris Saint –Germain mid ka mid ah kulamada ugu xiisaha iyo xamaasadda badan Wareegga 16-ka Champions League.

Kooxda difaacanaysa tartankan ee Real Madrid ayaa doonaysa inay markii saddexaad oo xiriir ah qaado koobkan, laakiin tijaabo adag ayey kala kulamaysaa PSG oo iyaduna kolkan ku duullaan tageysa Neymar Jr oo ay lacago badan ku beeleen.

Paris Saint -Germain waxa ay doonaysaa inay markaan soo gabagabayso xilli ciyaareedyo dhowr ah oo ay ku hungowday inay u gudubto wareegga siddeed dhammaadka Champions League.

Labada kooxood xilli ciyaareedkan waa ay kala wanaagsan yihiin marka la eego horyaalladdooda Real Madrid ayaana 17-dhibcood looga hayaa hoggaanka horyaalka La Liga, halka Paris Saint -Germain ay hoggaanka Faransiiska ku hayso 12-dhibcood.

Haddaba Shabakadda ciyaaraha ee Goal.com ayaa labadan kooxood ee Real Madrid iyo PSG ka hor kulankooda caawa ee Champions League, Los Blancos ayaa shaxdan ku leh xiddigaha ugu badan waxaana ay ku leedahay 7 xiddig, halka PSG ay ku leedahay 4 ciyaaryahan.

HOOSE KA EEG SHAXDA ISKU DHAFKA AH:-

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan