Shaqsi Ku Dhaw Tababare Luis Enrique Oo Ka Nixiyay Jamaahiirta Kooxda Chelsea

0
1184

Ciyaaryahankii hore ee Barcelona Lluis Lainz ayaa sheegay in tababare Luis Enrique uusan ka fiirsan doonin inuu ku biiro kooxda kubadda cagta ee Chelsea.

Lainz waxa uu saxiib dhaw la yahay tababare Enrique, waxaana uu ku adkeysanayaa in xitaa hadii Antonio Conte la ceyriyo, uusan ka fiirsan doonin shaqada Blues ka hor xagaaga.

“Ma aqaano haddii Luis uu xiriir la leeyahay Chelsea ama hadii kale” ayuu u sheegay shaqsigaan majalada The Sun.

“Laakiin ilo ku sugan Spain ayaa sheegaya in tababarahaan uusan aqbali doonin shaqa Chelsea ka hor dhamaadka xilli ciyaareedka.”

Tababare Enrique ayaa ka maqan shaqada kubadda cagta tan iyo markii uu ka tagay Barcelona xagaagii hore.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan