Real Madrid Oo Diyaar U Ah Inay Iibiso Afar Xiddig Si Ay Lacagtooda Ugu Soo Qaadato Neymar

0
1255

Real Madrid ayaa diyaar u ah inay iibiso afar ciyaaryahan oo heer caalami ah xagaagaan, iyagoo doonaya inay soo xerogeliyaan kaliya xiddiga Neymar.

Magacyada Galacticos ayaa xilli ciyaareedkii ugu dambeeyay bartilmaameed u ahaa kooxda kujirta kaalinta 4aad ee horyaalka La Liga, waxaana ay isku diyaarinayaan inay xooga saaran saxiixa Neymar.

Heshiiska weeraryahanka Paris Saint-Germain Neymar ayaa ah mudnaanta koowaad ee Real Madrid, iyadoo madaxweyne Prez uu u baahan yahay inuu lacag weyn u isticmaalo saxiixaan.

Qaar ka mid ah magacyada ugu waa waaweyn kooxda Real Madrid ayaa kujira liiska afarta ciyaartooy ee la fasaxayo, waxaana kujira Cristiano Ronaldo sida ay sheegayaan Independent.

Gareth Bale iyo Luka Modric oo sidookale bartilmaameed u ah kooxaha Premier League ayaa kujira liiska ciyaartooyda ka tagi kara kooxda Los Blancos.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan