Neymar sanadka uu ku biiri doono Real Madrid oo la ogaaday iyo qorshaha uu damacsan yahay

0
970

 

Kulanka caawo garoonka Bernabeu ku dhex maraayo Real Madrid Vs PSG waxaa si gaar ah indhaha loola raaci doonaa Neymar madaama uu yahay laacibka dunida ugu qaalisan xiligaan.

Sidoo kalena madaxweynaha Real Madrid Florentino Perez wuxuu meel fagaaro ah ka sheegay in qorshihiisa kowaad uu yahay sidii Neymar uu caasimada Spain ku keeni lahaa.

Hadaba wargeyska caanka ah Mundo Deportivo ee gobolka Catalan kasoo baxo ayaa qoray in Neymar aqbalay ku biiritaanka Real Madrid balse xidigaan xagaaga 2019 uu garoonka Bernabeu tagi doono.

Tani waxay ka dhigan tahay in xili cayaareedka dambe 2018/19 Neymar kooxda PSG usii cayaari doono wuxuna doonayaa xagaaga 2019 inuu La Liga dib ugu soo laabto.

Neymar ayaa aaminsan wixii ka dambeeyo 2019 Cristiano Ronaldo iyo Lionel Messi waayahooda cayaareed soo idlaan doono ama bandhigooda heerka sare sii socon doonin.

Sidaa darteed Neymar wuxuu doonayaa marka uu 2019 imaado Real Madrid inuu dunida qabsado madaama Messi iyo Ronaldo heerkooda mid sare sii ahaan karin ayagoo da’dooda horey usii badatay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan