Neymar & Mbappe oo hoggaaminaya liiska 7 xiddig ee ka tirsan kooxda PSG oo Real Madrid ay isku dayday inay la saxiixato

0
376

Kooxaha Real Madrid iyo PSG ayaa kulan ka tirsan lugta hore ee Wareegga 16-ka Champions League waxa ay caawa ku ciyaarayaan Magaalada Madrid ee caasimadda Waddanka Spain.

Haddaba waxaa la shaaciyey liiska 7 ciyaaryahan oo hadda ka tirsan kooxda PSG oo ay Real Madrid isku dayday inay la soo saxiixato waxaana hoggaaminaya Neymar Jr iyo Kylian Mbappe.

Xiddigaha kale ee ka tirsan Paris Saint Germain oo ay Real Madrid isku dayday saxiixoodana waxaa ka mid ah Marquinhos, Thiago Silva, Marco Verratti, Thomas Meunier iyo Layvin Kurzawa.

Thomas Meunier ayey Los Blancos doonaysay inay bedel uga dhigato Danilo oo lacag badan ugu biiray Man City, halka Layvin Kurzawa ay Real Madrid rabtay inay ka dhigato bedelka Fabio Coentrao.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan