Manchester City Oo Jabisay Rikoor Liverpool Ka Dhigtay Champions League 11 Sanno Ka Hor

0
978

Manchester City ayaa taariikh ku sameysay guushii 4-0 aheyd oo ay ka gaareen xalay kooxda Basel kulan katirsan lugta koowaad ee wareega 16ka tartanka Champions League.

Wiilasha Pep Guardiola ayaa talaabo weyn u qaaday wareega quarter-finalka markii ay guul raaxo leh ku gaareen St Jakob-Park, waxaana ay ugu cadcad yihiin inay ku guuleystaan xili ciyaareedkaan tartamada yurub iyo Premier League.

Ilkay Gundogan ayaa laba gool u dhaliyay kooxda City, iyadoo Bernardo Silva iyo Sergio Aguero ay sidoo kale goolal ka dhaliyay kooxda ka dhisan Switzerland.

Natiijadaan ayaa aheyd guushii ugu weyneyd ee ay ka gaarto wareega isreebreebka koox Ingiriis ah taariikhda tartanka Champions League.

Liverpool ayaa hore u heysatay rikoorka goolasha ugu badan ee marxaladaan oo kale koox Ingiriis ah bananka kusoo dhaliso markii ay PSV Eindhoven 3-0 kaga badiyeen xilli ciyaareedkii 2006/07.

Tababaraha City Guardiola ayaa amaanay Gundogan oo uu ku sheegay ciyaaryahan aan caadi aheyn ka dib markii labo gool xididga jarmalka uu ka dhaliyay kooxda Basel.

“Gundogan waa ciyaaryahan aan caadi aheyn” ayuu tababaraha Catalan u sheegay BT Sport.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan