KASHIFAAD: Waa maxay sababta qureecda loogu diiday xiddiga kooxda Barcelona Ousmane Dembele?

0
2607

Ninka ah madaxa cunnada kooxda Barcelona ayaa wuxuu qureecda ka joojiyey laacibka u dhashay dalka Faransiiska Ousmane Dembele, sida ay sheegayaan wararka kasoo baxaya dalka Spain.

20 sanno jirkaan Ousmane Dembele ayaa wuxuu Barcelona ugu fadhiyaa adduun lacageed mustaqbalka noqon kara 138 milyan oo ginni.

Si kastaba ha ahaatee, tan iyo markii uu yimid Camp Nou Stadium Ousmane Dembele ayaa waxaa hareeyey dhaawacyo iyo qaab ciyaareedkiisa oo liitay.

Xitaa ciyaartoyda kooxda Barcelona ayaa isku deyey inay caawiyaan Ousmane Dembele si uu kalsooni ciyaareedkiisii dib ugu soo helo.

Shabakadda El Mundo Deportivo ee u dhuun-daloosha arrimaha kooxda Barcelona ayaana haatan daaha ka qaaday in maamulka Catalans ay sameynayaan tallaabo walba oo ay cadaadiska uga yareyn karaan Dembele.

Dembele wuxuu ku nool yahay guri nolol ahaan aad u sarreeya, laakiin waxaa la dabadhigay saraakiil khaas ah oo ka ilaalineysa inuu qureecdo cuno ama uu cunteeyo subaxdii xilliga hore.

Xitaa maamulka kooxda Barcelona ayaa Dembele u sameeyey cunno kariye gaar ah kaasoo u diyaarin doona cunno isku miisaaman nafaqo ahaan, balse qureeci kuma jirto. Waxaana xusid mudan in Dembele loo sameeyey waariye gaar ah, dhakhaatiirta Barcelona iyo shaqaalaha jirdhiska ayaana marwalba ku booqda gurigiisa.

SHARE
Ahmed Jaangoan - Qoraa, Soosaare, Fallanqeeye, Wariye Sports.

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan