HT – Real Madrid iyo Paris Saint Germain oo qeybta hore kulanka Santiago Bernabeu barbaro ku kala baxay

0
351

Real Madrid iyo Paris Saint Germain ayaa qeybtii hore kulanka Santiago Bernabeu ku kala baxay barbaro 1-1, iyagoo labada gool uga mahad celinaya Adrien Rabiot iyo Cristiano Ronaldo kuwaas oo waqtiyo kala duwan shabaqa soo taabtay.

Real Madrid waxey ku bilaabatay kulanka sida koox dooneysa iney xakameyso kulanka oo dhan, balse Paris Saint Germain si gaabis ah ayey wax ula qeybsaneysay iyadoo kaliya xidigaha weerarka ay saameyn lahaayeen.

Cristiano Ronaldo ayaa helay laad xor ah oo la dhigay afka hore xerada ganaaxa, balse ugama faa’ideynin kooxdiisa, maadaama uu kor iska mariyay.

Mar kale Ronaldo wuxuu helay fursad qaali ah maadaama uu ka hortagay goolhayaha isagoo kubad cajiib ah ka helay Marcelo, balse goolhayaha ayuu ku garaacay.

GOAL: Daqiiqadii 32-aad: Adrien Rabiot ayaa hogaanka u dhiibay PSG, si qurux badan Mbappe ayaa kubadda usoo dhigay xerada ganaaxa, Cavani ayaa ka booday, Neymar ayaa cirib ku taabtay, kadib ayuu Rabiot shabaqa aadiyay.

GOAL: Daqiiqadii 44-aad: Ronaldo ayaa dhaliyay rigoore loo dhigay, si fiican ayuuna u dhameystiray, Los Celso ayaa dhulka dhigay Kroos, taasoo garsooraha uu rigoore tilmaamay.

Natiijada labada kooxood ee qeybta hore waxey ku dhamaatay 1-1, waxaa la sugi doonaa qeybta labaad.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan