HT – Liverpool oo hogaanka u heysa kulanka ay FC Porto gurigooda kula ciyaareyso.

0
290

Liverpool ayaa hogaanka u heysa kulanka xiisaha leh ee ka socda Estadio do Dragao, durba waxey meel saareen wiilashii gurigooda joogay ee Porto kuwaas oo ku taamayay iney inyar dhibaateeyaan kooxda martida ah.

Mohamed Salah iyo Sadio Mane ayaa shabaqa soo wada taabtay, iyadoo labada xidig ee reer Africa ay kooxda hogaanka u dhiibeen.

GOAL: Daqiiqadii 25-aad: Sadio Mane ayaa shabaqa soo taabtay isagoo kubad joog hoose goosha aadiyay, goolhayaha ayaana qalad sameeyay oo ay ka hoos baxday.

GOAL: Daqiiqadii 29-aad: Mohamed Salah ayaa si fiican u qurxiyay kubad markii hore birta kaga dhacday Milner, si fiican ayuu goolhayaha uga xariiftamay ka hor inta uusan shabaqa dhex dhigin.

Natiijada qeybta hore 2-0, ayaa lagu kala baxay.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan