Cristiano Ronaldo oo muuqaal cajiib ah soo dhigay bartiisa Twitter-ka ka hor kulanka caawa ee Champions League

0
815

Weeraryahanka kooxda kubadda cagta Real Madrid ee Cristiano Ronaldo ayaa muuqaal isagoo ciyaaraya soo dhigay bartiisa Twitter-ka ka hor kulanka caawa ee Champions League.

Los Blancos ayaa caawa garoonkeeda Bernabeu ku soo dhaweynaysa PSG lugta hore ee wareega 16-ka Champions League, waana kulan xiiso iyo xamaasad leh oo aad loo wada sugayo.

Ka hor kulankaas CR7 ayaa isagoo iska baashaalaya oo aysan ka qasneyn soo dhigay bartiisa Twitter-ka weliba waxa uu ku ciyaarayey kubbad yar yar oo caag ka sameysan, kaddib markii uu qaab ciyaareedkiisii fiicnaa dib u helay dhawaan.

Xiddiga xulka Porugal ayaa muuqaalka uu soo dhigay bartiisa Twitter-ka waxa uu yahay isagoo kubbad yar yar koob ku ridaya, waxaana uu soo raaciyey qoraal uu ku sheegay inuu ciyaartan aad u jecel yahay.

“Waan jeclahay ciyaartan” ayuu soo raaciyey Ronaldo muuqaalka uu soo dhibay Twitter-kiisa.

SHARE

Ra'yi ka dhiibo

Fadlan geli aragtidaada
Fadlan magacaaga geli halkan